U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Matabaan Ee Gobolka Hiiraan Oo Farriin u Diray Ciidanka Liyuu Boolis

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa farriin u diray ciidanka Liyuu Boolis oo ay sheegeen in falal amniga wax u dhimaya ka wadaan deegaanno ku dhow deegamadaasi.

Guddoomiyaha degmadaasi Sheekh Doon Faarax oo wareysi siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamo Liyuu Boolis ah ay kasoo tallaabeen xadka ay wadaagaan Soomaalida iyo Itoobiya islamarkaana Tuulooyin hoostaga degmadaasi ay shacab ku qalqal geliyeen.

Gaadiidkii tagi jiray tuulooyinkaasi ayuu sheegay in cabsi ballaaran ay soo wajahday kadib markii loo sheegay in halkaasi aanay imaan karin.

“Waxaan leenahay hadda deegaanka haka abuurina argagaxiso iyo wax la mid ah, deegaannada aad tagteen ma ahan xuduudda gudaha Itoobiya waxaan idiin sheegaynaa inaad faragelinta ka deysaan deegaannadaasi, shacabkii ayeey hajuumeen, booyadihii biyaha geyn jiray halkaasi ayaaba baqaya” ayuu yiri gudoomiyaha.

Ciidamada Liyuu Boolis waa kuwo hoostaga maamulka Soomaaliya Itoobiya ee fadhiguusa yahay magaalada Jigjiga, waxaana marar badan cabasho ka keenay shacabka ku dhaqan deegaannada xuduudda ah ee ku dhaw dalka Itoobiya.

Goobjoog News