U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Matabaan Oo Ka Qeylo Qaadey Abaar Ka Jirta Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa ka qeylo dhaamiyey abaar saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada oo ka jirta degmadaasi iyo deegaanno kale oo ku dhow.

Guddoomiyaha degmadaasi Sheekh Doon Faarax Waare oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in  abaarta ay aad usii dabo dheeraatay, islamarkaana dadka iyo duunyada ay halis ugu jiraan iney la’daan.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha, haddii aan degdeg gurmad loola soo gaarin dadka iyo duunyada in xaaladdu ay ka dari karto halka ay maanta joogto.

“Abaarta aad bay uga sii dareysaa, degmada iyo hareeraheeda dadka iyo duunyada jooga waxay u baahan yihiin gurmad dhan walbo leh, haddii aan gurmadkaasi loo helin xaaladda wey kasoo dari doonta halka ay maanta joogto” ayuu yiri guddoomiyaha.

Sidoo kale guddoomiye Waare ayaa sheegay in maalmihii ugu dambeeyey in degmada Matabaan ay kusoo qulqulayeen qoysas badan oo kasoo barakacay abaarta ka jirta deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

Gobollada dalka waxaa ka jira abaar baahsan oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada, waxayna u baahan yihiin gurmad dhan walbo leh.

Goobjoog News