U bood dhigaalka

Maamulka degmada Qoryooleey oo sheegay in gacanta ay ku dhigeen shaqsiyaad dhib u geysan jiray shacabka (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Qoryooleey ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalo ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameeyeen degmadaasi, kaa oo dad lagu soo qab qabtay.

Maxamed Xaaji Cismaan oo ah gudoomiyaha degmadaasi, ayaa u sheegay Goobjoog Fm in howlgalka uu yahay mid lagu xaqiijinaayo amaanka guud ee degmada Qoryooleey.

Dhanka kale Gudoomiyaha ayaa xaqiijiyay in ay gacanta ku dhigeen Afar qof oo uu sheegay in ay xilliyada habeenkii ah dhac u geysan jireen dadka shacabka ah.

Mar aynu wax ka weydiinay xilligaan amaanka guud ee degmadaasi ayuu sheegay in hadda isbedal weyn laga dareemayo.

Halkaan hoose ka dhageyso warkaan oo maqal ah iyo Wariyaheena Maxamed Cabdi Xasan Afgooye.

Goobjoog News