Maamulka Degmada Qoryooley “Cid Walba Oo Amni Xumi Waddo Tallaab Ayaan Ka Qaadeynaa”

Maamulka degmada Qoryooley ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa digniin kama dameys ah u diray dad ay sheegeen in ay ku howlan yihiin amni xumi ka dhacdo degmadaasi.

Madaxa maaliyadda degmadaasi Aadan Cabdi oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay habeen iyo maalin ku howlan yihiin sidii ay ku xaqiijin lahaayeen ammaanka degmada, islamarkaana aysan u dul qaadan doonin cid walba oo isku dayda in ammaankaasi ay qalqal ku beerto.

“Cid walba oo amni xumi wado tallaab ayaa laga qaadi doonaan, shacabka waxa ay hadda haystaan amni ay ku faani karaan, ciidamadana habeen iyo maalin waxa ay ku howlan yihiin sidii ay amnigaasi u xoojin lahaayeen” ayuu yiri Aadan Cabdi.

Sidoo kale mas’uulkaan ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan degmada Qoryooley in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, ayana kusoo war geliyaan wax walba oo ay arkaan misane amniga caqabad ku ah.

Degmada Qoryooley mararka qaar waxaa ka dhaca falal ammaanka liddi ku ah, waxaana horay degmadaasi uga dhacay dagaallo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW