U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Tiyeegloow Oo Sheegay In Cadaaladda Ay Horkeenayaan Dadkii Ka Dambeeyay Haween Lagu Dilay degmadaasi (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

TiyeegloowMaamuka degmada Tiyeegloow ee gobalka Bakool ayaa sheegay in cadaaladda ay horkeeni doonaan dadkii ka dambeeyay dil loo geystay ilaa 5 Haween ah kaa oo ka dhacay degmadaasi.

Maxamed Cabdalle Xasan oo ah gudoomiyaha Tiyeegloow ayaa isaga oo u waramay Goobjoog Fm, waxa uu sheegay in ay hadda daba joogaan askar ka dambeysay dilkaasi, ayna gacanta ku hayaan Laba ka mid ah Askarta.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in falka lagu dilay Haweenkaan ay aad uga xumaadeen, waxaana uu sheegay in dadkii dilkaasi ka dambeeyay ay dhankooda sheegayeen in ay u aargudayaan Laba Haween ah oo isla shalay duleedka degmadaasi Al-shabaab ku gawraceen.

“Deg deg ayaan wax uga qaban donnaa askartii falkaasi geysatay, Laba ka mid ah weynu haynaa, kuwa kalena waan ku raad joognaa” ayuu yiri gudoomiyaha.

Shalay waxaa degmada Tiyeegloow iyo duleedkeeda lagu dliay 7 Haween ah, Laba ka mid ah waxaa dilay Al-shabaab, halka Shanta kale ay dileen ciidan ku sugnaa degmadaasi kuwaa oo ehel la ahaa Labada Haween ee Al-shabaabka gawraceen, ka dib markii ay sheegeen in Shanta Haween ay qabeen Rag Al-shabaab ah.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News