U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Tiyeegloow Oo Sheegay Xalka Kaliya Ee Lagu Furi Karo Wadooyinka Xiran Ee Gobalka Bakool (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

TiyeegloowMaamulka degmada Tiyeegloow ee gobalka Bakool ayaa ka hadlay xalka xilligaan ugu haboon ee lagu furi karo wadooyin badan oo ka mid ah gobalkaasi, una xiran Xarakada Al-shabaab.

Gudoomiye ku xigeenka degmadaasi Cabdinuur Iimaan oo u Waramay Goobjoog ayaa sheegay in wadooyinkaan lagu furi karo oo kaliya awood loo adeegsado waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu tilmaamay in ay joogaan gobalka Bakool ciidamo badan oo ka mid ah dowladda Federaalka ee Soomaaliya, kuwaa oo awooda sida uu tilmaamay in si xoog ah ay wado walbo ku furaan.

“Ciidamadii dhawaan lasoo tababar wey joogaan, AMISOM sidoo kale waa lasoo kordhiyay, dhamaan in lagu wada daadiyo wadooyinkaasi ayaa muhiim ah oo waliba awood loo adeegsado furitaankooda” Gudoomiye ku xigeenka Tiyeegloow ayaa sidaasi yiri.

Al-shabaab ayaa jaray wadooyin badan oo ka mid ah gobalka Bakool, waxaana jira degmooyin muhiim ah oo si caadi ah aanay u geli karin gaadiidka.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News