U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Wadajir: Horumar Badan Ayaan Ka Sameynay Degmada

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in wax badan ay ka qabteen adeegyada Bulshada ee degmadaasi, islamarkaana ay horumariyeen adeegyo badan oo muhiim ah.

Guddoomiyaha degmadaasi Axmed Cabdulle Afrax oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ay shaqeynayaan xarumaha caafimaadka ee degmada sida MCH-yada, waxbarashada iyo ciyaaraha islamarkaana sanadkaan ay ka duwan yihiin sanadkii hore.

Maamulkiisa wuxuu sheegay in mar walbo ay dejinayeen qorshe ku saleysan awoodda maamulkiisa leeyahay, una kala horumarinayeen sida ay u kala muhiimsan yihiin iyo sida fursadaha ku yimaada.

Degmada ayuu sheegay in waxyaabaha ay u baahan tahay ay weli wax badan ka dhiman yihiin, balse qorshaha ugu horreeya ee ay degsadeen buu sheegay inay qeyb ka ahayd horumarinta degmada.

Dhinaca kale guddoomiyaha mar uu ka hadlay amniga degmada Wadajir ayuu sheegay in xaaladda tahay mid aad u deggan, islamarkaana haatan amniga uu yahay mid maraya meel la isku haleyn karo.

Xilliyada qaar ee ay ka dhacaan falalka amni darro ayuu sheegay guddoomiyaha in ciidanka amniga ay ka daba tagaan, shacabka degmadaasina yihiin kuwo la shaqeeya maamulka waa sida uu hadalka u dhigaye.

Goobjoog News