U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Wadajir Oo Digniin u Diray Dadka Dhistay Hareeraha Wadooyinka Ee Degmadaasi (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

WadajirMaamulka degmada Wadajir ee gobalka Banaadir ayaa digniin kama dambeys ah u diray dad uu sheegay in si sharci darro ah ay u dhisteen hareeraha wadooyinka degmadaasi.

Axmed Cabdulle Afrax oo ah gudoomiyaha degmadaasi Waxa uu sheegay in Maalmaha soo aadan ay si rasmi ah u guda geli doonaan bur burinta goobahaasi, ayna soo dhamaatay mudadii dadkaasi loo qabtay.

Cid walba oo kusoo xadgudubtay wadooyinka degmada Wadjir ayuu tilmaamay Gudoomiyaha in aan laga aqbali doonin sii degnaanshiyay wado bulshada u dhaxeysa.

“Waxaa socotaa wadooyinka in la furo oo dhawaan digniintii ugu dambeysay aan siinnay dad dhisatay wadooyinka qaar, suurta gal ma ahan in shacab ay wado dhistaan, maalmaha soo socda howlgal ayeeynu bilaabaynaa, suurta gal ma ahan in shacab uu dhex dego wadooyinka degmada, waxaana ku amreynaa weli kuwa degan wadooyinka in Jiingadahooda ay fujistaan, hadii kale talaabo laga qaadi doono cid walba oo arintaasi ka madax adeegto” ayuu yiri Gudoomiyaha degmada Wadajir.

Dhanka Kale Gudoomiyaha degmada Wadajir Axmed Cabdulle Afrax ayaa sheegay in degmadaasi ay ka wadaan olole nadaafadeed taas oo lagu doonayo in sare loogu qaado bilicda degmada.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News