U bood dhigaalka

Maamulka degmada Wadajir oo faahfaahiyay khasaaraha ka dhashay dab ka kacay degmadaas

Sheeko:Dalka
DCIM100MEDIA
Mid ka mid ah guryaha gubtay,/ Sawir Qaade: Maxamed Cabdi Xasan (Afgooye)

Maamulka degmada Wadajir ayaa sheegay in ay ku guuleysteen daminta dab saaka ka kacay guri ku yaalla xaafada korontada ee degmadaasi.

Guddoomiyaha degmadaasi Axmed Cabdulle Afrax ayaa sheegay in dabka uu baabi’iyay agab fara badan oo gurigaasi yaallay.Dabkan ayaa sababay dhaawac soo gaaray labo qof oo ku jiray gudaha guryaha gubtay.

Gawaarida dab damiska ee gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay daminta dabka socday daqiiqado fara badan.

Dabkan ayaa kacay markii maaso ay ka dhalatay koronto ku jirtay mid ka mid ah guryaha gubanaya ee ku yaalla degmada Wadajir.

Abaare 10:00 ee subaxnimo ayuu dabkan ka kacay degmada Wadajir.