U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Wadajir Oo Sheegay Inay Wadaan Howlgallo Amniga Lagu Sugayo

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay wadaan howlgallo ballaaran oo amniga lagu xaqiijinayo, si loo helo amni buuxa iyo kala dambeyn.

Guddoomiyaha degmadaasi Axmed Cabdulle oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay xoogga saareen arrimaha amniga iyo dib u dhiska.

Waxa uu guddoomiyaha sidoo kale ka hadlay dib u dhiska qaar ka mid ah waddoyinka degmada Wadajir, waxaana uu sheegay in badankooda la dhisay, islamarkaana maalmaha soo aadan xarigga laga jari doono.

Waddooyinkan ayaa isugu jira qaarkood kuwo Laami la saaray iyo kuwo Jaay ah, isaga oo qiimaha ku baxayna sheegay in ay gaareyso 1-milyan oo doolar.

“Waddoyinka la dhisaayay hadii ay ahaan lahaayeen Jaay ama Laami waan soo gabagabeynay qurxintii ugu dambeysay ayaa ku socota kadibna waxaan rajeynaynaa in si degdeg ah xariga looga jaro, miisaniyad aad u xoog badan oo illaa iyo 1 milyan oo doolar ayaa ku baxday, lacagaha qaarna wey inoo dhiman yihiin inta badan shacabka ayaa bixiyey inta dhimanna shacabka ayaa bixin doona iyaga oo maamulkooda kaashanaya” ayuu yiri Guddoomiyaha.

“Amniga guud ee degmada Wadajir waa uu wanaagsanyahay, dadku si caadi ah bay shaqadooda u wataan, ciidamada amniga aad ayeey u dadaalayaan oo shaqadooduna u wataan” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay guddomiyaha degmada Wadajir.

Goobjoog News