U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Wadajir Oo u Gurmanayo Dadka Danta Yar Ee Ku Dhaqan Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Dharkeenley ayaa sheegay in ay ka arrinsanayaan sidii loo gargaari lahaa qoysaska danta yar inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Guddoomiye xigeenka arrimaha bulshada ee degmadaasi Cabdullaahi Xasan Afrax ayaa sheegay in maamulka iyo hay’adaha samafalka ay ka wada hadleen sida loogu gurman karo qoysaskaasi.

Wuxuu sheegay inay ka go’an tahay caawinta qoysaskan iyo sidii ay afur ku heli lahaayeen inta Ramadaanka uu socdo.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in hadaba ay bilaabeen dadaalkaasi, islamarkaana shacabka iyo cid walba oo gacan ka geysan karta laga doonayo in ay arintaan ka qeybqaataan.

Waxa uu ugu baaqay sidoo kale hay’adaha samafalka ah in ay kaalin ka qaataan u gurmashada shacabka dhibban, ka maamul ahaanna ay balan qaadayaan sugidda amniga.

Goobjoog News