U bood dhigaalka

Maamulka degmada Wanlaweyn oo sheegay in ay qaadeen Isbaarooyin dhawr ah (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Wanlaweyn ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ay xoojiyeen howlgalo lagu qaado inta u dhaxeeya degmadaasi iyo degmada Afgooye.

Isaaq Xaaji Maameoo ah gudoomiyaha degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in howlgalkaan ay ka qeybqaadanayaan ciidamada xooga dalka, iyo sidoo kale kuwo ka mid ah Booliiska.

Waxa uu xaqiijiyay gudoomiyaha in ay qaadeen Isbaarooyin dhawr ah, sidoo kale ay jiraan dad ku howlanaa Jidgooyooyinka oo la qabtay.

Dhanka kale waxa uu sheegay in ay cagta marin doonaan wado walba oo degmada Wanlaweyn gasha, islamarkaana ay la dagaalamayaan cid walba oo Isbaaro dhiganeysa.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News