U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Wanlaweyn Oo Sheegay Inay Ka Hortageen Rag Maleegayey Falal Amni Darro

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay ka hortageen falal amniga ka dhan ah, islamarkaana la doonayey in shacabka lagu waxyeeleeyo.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka degmaasi Yuusuf Cabdi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in shacabka ay ka heleen cabasho ah in ay jiraaan rag habeenkii dhac u geysta dadka shacabka ah.

Howlgal ballaaran oo ciidamada dowladda halkaasi ka sameeyeen ayuu sheegay inay kaga hortageen rag doonayey in amniga degmada qalqal geliyaaan islamarkaana dhacaan dadka shacabka ah.

Ma aanu sheegin guddoomiye ku xigeenka haddii ay jirto dad ay kusoo qabteen howlgalladaan, hase ahaatee waxa uu ku celceliyey in amniga yahay hadda mid hagaagsan.

Rag ku labisan dareeska ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa xilliyada habeenkii ah la sheegay in ay dhac u geysan jireen dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmada Wanlaweyn.

Goobjoog News