U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Xudur Oo Beeniyay In Saraakiil Itoobiyaan Ah Ay Hor Istaageen Xildhibaanno Ku Wajahnaa Ceelbarde

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Xudur ee gobalka Bakool ayaa beeniyay in xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya loo diiday inay galaan degmada Ceelbarde ee gobalka Bakool, kuwaasi oo la sheegay in ay is hortaag kala kulmeen ciidamo Itoobiyaan ah.

Gudoomiyaha degmadaasi Maxamed Macallin oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in xildhibaanadaan aanay u dhaqaaqin dhanka degmada Ceelbarde, balse qorshahooda uu yahay, ayn been abuur trahay  wararka sheegaya in lasoo.

Dhammaan degmooyinka uu ka kooban yahay gobalka Bakool ayuu sheegay inay tagi karaan xildhibaannadaan, islamarkaana aanay jiri karin cid is hortaag ku sameyn karta.

“Wararkaasi waa been abuur waa wax ay faafiyeen Idaacadaha qaar waana wax fool xumo ah, xildhibaanno laga soo celiyay degmada Ceelbarde ma jirto, xildhibaanadaan ayagaa halkaasi u dhashay, mana jirto saraakiil Itoobiyaan ah oo xildhibaanada hor istaagay” ayuu yiri gudoomiyaha.

Waxaa jiray warar sheegaya in xildhibaanno ku wajahnaa degmada Ceelbarde oo dhawaan looga dhawaaqay maamulka Bakool sare ay is hortaag kala kulmeen ciidanka Itoobiya, inkastoo warkani la beeniyay.

Goobjoog News