U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Xudur Oo Ka Hadlay Dhaliillo Loo Jeediyey Ciidanka Dowladda Ee Ku Sugan Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa ka jawaabay dhalliil dhawaan loo jeediyey ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya taasi oo ku aadan inay dhac u geystaan dadka shacabka ah.

Guddoomiye ku xigeenka degmadaasi Aadan Cabdi Maxamed oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in warkaasi uu yahay waxbo kama jiraan, islamarkaana ay baahinayaan dad uu sheegay in ciidanka la rabaan sumcad xumo.

“Ciidanka ku sugan gobolka Bakool waxaan ku amaaneynaa inay yihiin ciidan la hubo, askariga dowliga ah lagama yaabo inuu sameeyo waxyaabaha qaar, waxaa laga yaabaa inay beentan faafinayaan dad cadowga la shaqeeya, annaga ka maamul ahaan waxaan ula soconnaa in shacabka la baro dowladinimada, ciidanka ku sugan degmada Xudur wax dhib ah oo shacabka ay u geysteen malahan” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka.

Dhinaca kale Gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in wada shaqeyn wanaagsan uu xilligaan ka dhaxeeyo shacabka ku dhaqan degmada Xudur iyo sidoo kale ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dad sheegay inay ku sugan yihiin degmada Xudur iyo deegaanno ku dhaw ayaa qaar ka mid ah warbaahinta waxay u sheegeen in dhibaato ay ku qabaan ciidanka dowladda ee ku sugan degmadaasi iyo nawaaxigeeda kuna eedeeyeen in ay dhacaan dadka shacabka ah.

Goobjoog News