U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Xudur Oo Ka Hadlay Howlgal Ay Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Ka Wadaan Bakool

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Xudur ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgal ay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ka wadaan deegaano badan oo ka mid ah gobalka Bakool.

Gudoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamada ay yihiin kuwo ku baxay deegaanno badan oo gobalka Bakool ah, gaar ahaan meelaha ay hadda ku sugan yihiin Al-shabaab.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in qorshaha ciidamadaan socda uu yahay sidii Al-shabaab uga saari lahaayeen guud ahaan deegaanada gobalka Bakool waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaa xooga la saarayaa sidii gobalka oo dhan looga saari lahaa Nabad diidka, ciidamada waxa ay aadeen meel walaba oo Al-shabaab joogaan, waxaana hadda nabad diidka yihiin kuwo aan awood badan lahayn, laakiinse maalmaha soo aadan war dadka ay ku farxaan ayaa la maqli doonaa” ayuu yiri gudoomiyaha degmada Xudur.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa dhaqdhaqaaq ciidan waxa ay ka wadaan deegaanno badan oo ka mid ah gobalka Bakool.

Goobjoog News