U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Xudur Oo Ka Hadlay Howlgallo Ka Socda Duleedka Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Xudur ayaa ka warbixiyay howlgallo ballaaran oo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka wadaan deegaanno hoostaga degmadaasi.

Guddoomiyaha magaalada Xudur ee xarunta gobalka Bakool Maxamed Macallin ayaa sheegay in howlgallada soconaya ay yihiin kuwa lagu xaqiijinayo ammaanka deegaanno xiriiriya degmooyinka gobalka Bakool.

Howlgalladani waxaa qeyb ka ah ciidamada Itoobiya waxaana dhowr jeer dhacda in ay ciidamadani isku dhafka ah la kulmaan weerarro ay kamid yihiin qaraxyo.

Guddoomiyaha degmada Xudur waxa uu sheegay in deegaan la yiraahdo Qurac Joome oo isku xira goballada Bakool iyo Hiiraan lagu diyaarinayo ciidamo ka tirsan dowladda kuwaas oo helay qaar kamid ah agabyadii ay u baahnaayeen.

“Howlgalladan waa kuwo lagu baacsanayo nabad diidka Al-shabaab, waxaan wadnaa dadaal xooggan oo aan ku dooneyno in meel walbo aan ka sifeyno lana dagaallanno argagaxisada, ciidamada hadda waa ay heleen saanadii Milatari iyo agabyo kale oo ay u baahnayeen” ayuu yiri guddoomiyaha.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa qaar ka mid ah gobollada dalka waxay sidaan oo kale howlgallo uga wadaan howlgallo ay kula dagaallamayan Al-shabaab.

Goobjoog News