U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Xudur Oo Ka Warbixiyey Howlgallo Ay Ka Sameeyeen Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa faah faahin ka bixiyey howlgallo ballaaran oo ay ka sameeyeen ciidamada ammaanka degmadaasi iyo deegaanno kale oo ku dhow.

Guddoomiye ku xigeenka dhan ammaanka ee degmadaasi Aadan Cabdi Maxamed oo la hadlay Goobjoog News wuxuu sheegay in hadda degmada Xudur laga dareemayo isbedal dhanka amniga ah.

Wuxuu sheegay in ciidamada ay gacanta ku dhigeen dad uu sheegay in falal amni darri maleegayeen, balse ma aanu sheegin dadkaasi tiradooda.

Waxa uu tilmaamay guddoomiye ku xigeenka in sidoo kale ciidamada ammaanka ay howlgal ka sameeyeen deegaanno ku dhow degmada Xudur.

“Amniga degmada Xudur waa mid aad u wanaagsan, ciidamada waxay soo qabteen rag looga shakisan yahay iney xiriir la leeyihiin nabad diidka, amniga hadda waa la isku haleyn karaa” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.

Ciidamada dowladda ayaa maalmihii ugu dambeeyay xoojiyey howlgallada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab ee ay ka wadaan degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Goobjoog News