U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Xudur Oo Sheegay Inay Howlgal Ku Dileen Rag Ka Mid Ah Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Xudur Ee Gobalka Bakool ayaa ka warbixiyay howlgallo ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameeyeen deegaanno ku dhaw degmadaasi kaasi oo ay ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Aadan Cabdi Maxamed oo ah gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka demada Xudur oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay inay ka war heleen rag ka mid ah Al-shabaab oo gaadiidka lacag uga qaadanaya deegaanno ku dhow degmadaasi, sidaasi darteedna ay ciidanka ugu baxeen.

Wuxuu sheegay in ay iska caabin kala kulmeen raggii ka midka ahaa Al-shabaab halkaasina ay ku dileen 6 ka mid ah dagaalyahannadaasi gacantana ay ku dhigeen gaadiid ay adeegsanayeen waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Kooxda nabad diidka ah ayaa gaadiidka isbaaro u dhiganaye tuulooyin ku dhaw degmada Xudur, ciidanka ayaa ku baxay waxaana nasiib wanaag aynu ku guuleysannay inaan qaarna dilno kuwo kalena ka dhaawacno, waxaan gacanta ku dhignay mootooyin ay adeegsanayeen iyo gaadiid kale” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka.

Dhanka Al-shabaab kama aysan hadal waxa ka jira in gobalka Bakool lagu dilay rag iyaga ka mid ah.

Goobjoog News