U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Xudur Oo u Hanjabay Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Xudur ee gobalka Bakool ayaa sheegay in dhawaan ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ay qaadi doonaan dagaallo ka dhan ah Al-shabaab.

Gudoomiyaha degmadaasi Maxamed Macallin ayaa sheegay in ciidamada ay heegan ku jiraan, islamarkaan maalmaha soo aadan uu bilaaban doono howlgal uu sheegay in lagu qabanayo deegaanada Bakool ee gacanta ku hayaan Al-shabaab.

Waxa uu gudoomiyaha hoosta ka xariiqay in Al-shabaab ay dhibaatooyin badan u hayaan shacabka ku dhaqan deegaanada ay maamulaan, islamarkaana waxa uu tilmaamay in la go’aansaday shacabkaasi in la xureeyo.

“Kooxaha nabad diidka ah dhibaato xoogan ayeey ku hayaan shacabka, waxaa dhawaan la qaadayaa weerar iyaga ka dhan ah si shacabka loo xureeyo, ciidamada wey diyaarsan yihiin amarka oo kaliya ayeey sugayaan” ayuu yiri gudoomiyaha.

Xarakada Al-shabaab ayaa gacanta ku haysa deegaano ka mid ah gobalka Bakool, waxaana maalmahaan dambe gobalkaasi dhaq dhaqaaq ciidan ka wada ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Goobjoog News