U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Xudur: Waxaan Fureynaa Waddooyin Ay Al-shabaab Go’doomiyeen

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegay inay wadaan qorshe lagu furayo wadada isku xirta degmadaasi iyo degmada Tiyeeglow oo Al-shabaab ay xireen.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulkaasi Adan Cabdi Maxamed oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay u diyaarsan yihiin sidii ay u furi lahaayeen waddooyinkan.

Waxa uu sheegay in ciidanka howlgallo ay sameeyeen ay ku guuleysteen inay furaan waddooyin badan, islamarkaana ay la wareegeen in ka badan10 Tuulo oo Al-shabaab ay maamuli jireen waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Ciidamada waxay u diyaarsanyihiin hadda in la’isku furo degmooyinka Xudur iyo Tiyeeglow, Al-shabaab ayaa waddooyin badan horay u xiran laakiinse hadda wax badan baan qabannay midda kaliya ee inoo harsan waa middan” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa ayaa dhinaca kale sheegay in howlgalka lagu furayo wadadaasi aanay ahayn mid Hal meel laga qaado, balse ay ciidamo ka kala bixi doonaan Xudur iyo Tiyeeglow kuwaasi oo meel dhexe isugu imaan doona.

Xarakada Al-shabaab ayaa horay go’doon u gelisay degmada Xudur ee gobolka Bakool iyo sidoo  kale deegaanno kale oo gobalkaasi ka mid ah.

Goobjoog News