Maamulka Degmada Yaaqshiid Oo Ka Digay In Qashin Lagu Soo Shubo Hareeraha Wadada Wadnaha Ee Muqdisho

Cismaan Maxamuuud Cadaawe oo ah guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa uga digay shacabka degmadiisa in qashin ay ku shubaan hareeraha wadada Wadnaha ee maagaalada Muqdisho gaaar ahaaan dhanka degmadaasi.

Wuxuu sheegay guddoomiyaha in shacabka laga doonayo in hortooda nadiifiyaan islamarkaana qashinka ay meel ku shubaan si looga qaado, balse cidda ku xadgudubta amarkaasi ayuu sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan la marsiin doono.

“Maanta waa maalintii Labaad ee nadaafaddii jidka wadnaha ay socoto, waxaa ila jooga guddoomiyayaashii kale ee shirkada degmadeena kula ahaa wadada wadnaha, waxaan shacabka ugu baaqeynaa in meesha aan nadiifinno ay nadiif noqoto, qashinka jawaan inoogu shubaan innaga ayaa ka qaadi donno, haddii aad middaasi sameyn weysaan tallaab adag ayaa laga qaadayaa, reer Yaaqshiid ayaan si gaar ah fariintaan ugu dirayaa, ciddii qashin lagu arko tallaabo sharciga waafaqsan ayaa laga qaadayaa” ayuu yiri guddoomiyaha.

Guddoomiyaha degmada yaaqshiid ayaa hadalkaan sheegay xilli isaga iyo guddoomiyeyaasha Warta Nabadda, iyo Boondheere kormeer ku tageen wadada Wadnaha ee magaalada Muqdisho.

Guud ahaan waxaa la dhisay wadada wadnaha ee Muqdisho, taasi  oo muddo badan burbursaneyd, waxaana laami la saaray inta u dhaxeysa isgoysyada Sanca iyo Tarabuunka ee Muqdisho.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa dhisay wadadaan, waxaana sida guddoomiyaha gobolku sheegay laamigaasi lagu dhisay lacagihii canshuurta guryaha laga qaaday.

Waxaa dib u dhismaya waddooyin muhiim ah oo magaalada Muqdisho ku yaalla, waxaa jira waddooyin badan oo lagu dhisay qarashaad ay shacabka si iskood ah isaga uruuriyeen taas oo qeyb ka ah barnaaamijka Hal doolar ku dhiso dalkaaga.

Goobjoog News

Related Articles

4 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW