U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Yaaqshiid oo Sheegey in Ceelashii Biyaha Dadka Ku Xanuunsadeen Dib Loo Furi Doono

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid Cismaan Maxamed CadaaweGudoomiyaha Degmada Yaaqshiid Cismaan Maxamed Cadaawe ayaa sheegay inay soo hagaagayso xaaladda dadkii ku waxyeeloobay biyahii wasaqaysnaa ee ay cabeen .

Waxa uu tilmaamay in garab istaag buuxa ay u fidinayaan shacabkaas oo uu sheegay inay gurmad dhan kasta ah la garab joogaan.

Cismaan Maxamed Cadaawe waxa uu sheegay in dib loo furi doono ceelashii biyaha wasaqoobey ee ay ka dhalatay caafimad darida kadib sida uu sheegay markii lagu wargeliyay in biyahoodu ay fiicnaanayaan.

“Ceelashii biyaha ee xirnaa waxaan rajeyneynaa in la furo, natiijooyin hordhac ah oo aan haleyno, balse wali aanan la xaqiijinin in biyuhu caadi noqon doonaan ayay sheegayaan, markii horana wax la hubo ma jirin, tuhun ayuunbeey ahayd, marka maalmaha soo socda shacabka waa loo furi doonaa biyahoodii” ayuu sheegey Guddoomiyaha.

Guddoomiyaha waxa uu sheegey in maalmahani ay socotey hawsha biyo dhaaminta, balse uu rajeynayo marka ceelasha la furo laga maarmi doono.

Shalay ayay ahayd markii gurmad dawo iyo booyadaha biyaha lagu dhaamiyo la gaarsiiyay dadka ku saamoobay biyaha wasaqaysan ee ay cabeen taas oo ka timid shirkadda horumuud Foundation.

Dhanka kale Madaxda Isbitaalka Carafaad oo ay ku jiraan ku dhowaad 200 oo bukaan ayaa warfidiyeenka u sheegay in xaaladoodu ay wanaagsan tahay dadkaas.

Illaa 10 qof ayaa u dhimatay xanuuno soo ritey kadib markii la sheegey in ay cabeen biyaha ceelal halkaasi ku yaala, taasina waxay horseedey in maamulka gobolka Banaadir uu xiro ceelasha, islamarkaasina baaris caafimaad loo diro biyo laga qaadey ceelasha, taasi oo wali aanan rasmi ahaan natiijadeeda usoo bixin.

Dhageyso

Goobjoog News