U bood dhigaalka

Maamulka Demada Balcad Oo Ka Digay Beerashada Waxyaabaha Maanka Dooriya (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

BeeraleeyMaamulka Degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa ka digay tabcashada beerashada waxyaabaha waxyaabaha Maanka dooriya oo uu sheegay in dad badan ay ku howlan yihiin.

Maxamuud Maxamed Saneey oo ah gudoomiyaha degmada Balcad ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay wadaan baaritaano dhanka beeraha ah, ayna ka eegayaan in lagu beero maandooriyaha Xashiishka.

“Sababtoo ah maandooriyaha waa cadowga Koowaad ee hadda ku tarmaya degmada Balcad iyo guud ahaan gobalka Shabeelaha Dhexe, dalka oo dhan ayuu dhibaato u keenayaa, waxa uu ka daran yahay kuwa xabadda haysta, ciyaalkii mustaqbalka dalka ahaa ayaa la barayaa, iyaga ayaa isdilaya dhibaatana waa uu keenayaa” ayuu yiri gudoomiyaha.

Dhinaca kale gudoomiyaha degmada Balcad ayaa digniin u diray cid walba oo doonaysa in ay beerto Maandooriyaha Xashiishka, ama xilligaan gacanta kula jirto, isaga oo tilmaamay in ciidamada amaanka ay kaashanayaan, gacantana lagu dhigi doono.

“Cidii ku taamaysa in xashiis ay beerto waxaan uga digaynaa oo u sheegaynaa in ay waxaasi ka baxaan, ilaahayna raali kama ahan, anagana raali kama nihin umadda Soomaaliyeedna raali kama noqonayso, ciidamada amaanka ayaan kaashaneynaa, cadaaladda ayaa la horkeenayaa cid walba oo arintaan lagu arko” ayuu hadalkiisa raaciyay gudoomiyaha degmada Balcad.

Waxaa jira shaqsiyaad si qarsoodi ah beeraha degmada Balcad ugu dhex beertay Maandooriyaha Xashiishka, waxaana jira dad badan oo la qabtay iyaga oo arimahan ku howlan.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News