U bood dhigaalka

Maamulka Dhoobleey oo sheegay in ay soo furteen gaadiid ay qabsadeen xarakada Al-shabaab (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo furtay gaadiid raashin sida oo la sheegay in ay qabsadeen rag ka tirsan xarakada Al-Shabaab.

Guddoomiyaha maamulka degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada hoose Qeex Maxamed Cabdullaahi oo ay la xiriirtay Goobjoog FM ayaa sheegay in ciidamadu markii ay ogaadeen in gaadiidkaasi la heysto ay weerar ku qaadeen deegaankii lagu hayay oo uu sheegay in ay ugu tageen deegaanka gaadiidka iyo ragii waday.

Waxa uu tilmaamay in ay soo galiyeen degmada Dhoobleey raashinkaasi isla markaasina ay baxsadeen ragii heystay oo uu xusay in ay aadeen degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada dhexe oo ay gacanta ku hayaan xarakada Al-Shabaab.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer go’doomisay deegaanada ay la wareegaan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Hoos ka dhageyso codka Qeex Maxamed Cabdullaahi: