U bood dhigaalka

Maamulka Dhuusamareeb oo Amarro Ka Soo Saaray Dhismaha Dhulalka Sharci Darada ah

Sheeko:Amniga

Maamulka Magaalada Dhusamareb ayaa soo saaray Amaro ka dhan ah Dhulalka iyo Dadka Dhisanaya Wareegto ka soo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Magaalada Dhusamareb Macalin Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geeda-qorow ayaa Bulshada looga digay inaysay Dhisin Dhulalka iyagoon soo ogaysiin Maamulka.

Arrintaan ayaa timid ka dib markii ay maalmahaan soo bateen kiisaska is qab qabsiga dhulalka waxaana maamulka ku sababeeyay inaan sharciga loo hogaansamin .

Sidoo kale maamulka Magaalada waxa uu sheegay in cidi la helo iyadoo sharciga baal mareysa laga qaadi talaabo sharciga waafansan islamarkaana bulshada ay qaataan nidaamka Dowladnimada.

Dhinaca kale Maamulka ayaa Mamnuucay inaan la qaban karin Shirarka iyo Kulamada Bulshada ee aan Maamulka la soo ogaysiin si looga hortago faafitaanka Xanuunka Covid-19.

Gudoomiyaha Magaalada Dhusamareb  Macalin Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geeda-qorow oo  goordhaw la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aanan la ogeyn shirarka ay dadweyne isugu imaanayaan madaama loo baahanyahay in la qaato fariimaha wacyigalinta ee looga hortagayo Faafitaanka Cudurka safmareenka ah ee Karoona Feyruska.

“Lama ogola in la qabto shirar iyo in laysku yimaado goobaha bulshada ay ku kulmaan maxaa yeelay cudurkaan sida ugu fudud uu ku faafi karo waa isdhaxgalka sidaa daraadeed waa muhiim la qaato fariimaha wacyigalinta “sida ayuu yiri guddoomiye Macalin Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geeda-qorow.

Goobjoog News