U bood dhigaalka

Maamulka dowladda ee deegaanka Ceelgaras oo guulo ka sheegtay dagaal ay la galeen Al-shabaab (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

dagaal-11Maamulka dowladda Soomaaliya ee deegaanka Ceelgaras ayaa guulo ka sheegtay dagaal culus oo dhexmaray ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalkaan ayaa ahaa mid culus, waxaana la sheegay in halkaasi uu ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta, inkastoo tiro rasmi ah aan lahayn.

Xasan Daahir Sheekh oo ah gudoomiyaha deegaankaasi ayaa sheegay in ay dileen saraakiil ka mid ah Al-shabaab intii dagaalkaan uu socda, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in marar badan Al-shabaab ay isku dayeen in weerar ay ku soo qadaan Degaankaasi, hase ahaatee waxa uu tilmaamay in laga hortagay.

Dhanka Al-shabaab wax war ah kama aanay soo saarin dagaalkaasi maraca laga reebo guusha ay sheeganayaan maamulka dowladda Soomaaliya ee deegaanka Ceel-garas.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News