U bood dhigaalka

Maamulka Dowladda Ee Guriceel Oo Sheegay In Ahlu-sunna Ay Shuruud Ku Xirtay Ka Mid Noqoshada Dowladda Federaalka (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

GuriMaamulka degmada Guriceel ee dowladda ayaa sheegay in Ahlu-sunna Waljameeca ay shuruud ku xireen ka mid noqoshada dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Cabdulaahi Warsame Faarax oo ah Gudoomiye ku xigeenka degmadaasi ayaa sheegay in ay sheegeen in ilaa iyo xilligaan aan laga soo bixin qodobo horay loogu heshiiyay, iyaga oo tilmaamay in ilaa shuruudaha laga fulinayo aanay ka laaban doonin go’aankooda.

Gudoomiye ku xigeenka maamulka dowladda ee Guriceel ayaa sheegay in wafdi ka socda dowladda Federaalka ay u sheegeen mas’uuliyiinta Ahlu-sunna in diyaar loola yahay fulinta heshiiskii hore iyo sidoo kale kuwa hadda la gali doono.

“Waxa ay dhaheen Ahlu-sunna, anaga weli heshiiskeenii hore lama fulin, shuruudihii aan wadanay ilaa laga fuliyo ma yeeli donno waxa ay dowladda wadato, wafdigii dowladda ee wasiir ku xigeenka hogaaminaayayna waxay u sheegeen in wax walbo diyaar loola yahay in la fuliyo” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka degmada Guriceel.

Dhanka kale weli waxaa degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ka socda wada hadalo la doonayo in lagu xaliyo dagaaladii dhawaan ka dhacay halkaasi.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News