U bood dhigaalka

Maamulka Dugsiga Daa’uud Buule Oo Dalbaday In Dib Loo Bilaabo Waxbarshada

Sheeko:Dalka

Maamulka  dugsiga  Daa’uud   Buule  oo waxbarashadiisu ay hakad  ku jirto  mudo ka badan  sanada  oo wasaaradda waxbarashada  ka dalbaday in dugsiga  dib loo howgaliyo.

Maamulaha  Dugsiga hoose  dhexe  ee Daa’uud  Buule  ee  degmada Wanlaweyn  ee gobolka shabeelada hoose  ayaa sheegay  in  waxbarashada  dugsiga ay  hakad ku jirto  mudo ka badan sanad  ka dib markii ay Hay’addii gacanta  ku  haysay ay joojisay  taageeradii ay siin jirtay dugsiga.

Araday tiradoodu ay kor u dhaafeyso  200  ayaa  wax ka baran jiray dugsiga  ku waas  oo qaarkood ay waxbarasho la’aan  ay ku heysto  degmada wanlaweyn ee  iyo degaanada ku hereereysan  sida uu sheegayo maamule cabdi raxmaan oo la hadaly Goobjoog News ,,dugsiga sidiisii ayuu u yaalaa qalabkiisii wuu u dhameystiranayay balse waxaa jirta taageero la,aan waayo ha’addii gacanta ku heysay ayaa joojisay taageeradii ay nasiin jirtay,,

M ar uu ka hadlaayey dib u holwgalinta  dugsiga  Dugsiga Daa’uud  Buule  ayuu hoosta ka xariiqay in ka maamul ahaan  ay sameeyeem dadaalo dhowr ah iyagoo  kaashanaya barayaashii  dugsiga  si waxabarashada dugsiga mar kale dib loo bilaabo  balse wali wax ka hir galay ineysan jirin howshaas.

Wasaaradda  Hidaha  iyo waxbarashada sare ee dowlada dhexe ee Soomaaliya  ayuu ka dalbaday  iney ka caawiso  dadaalada  dib loogu howlgalinaayo  dugsiga  si  ay waxbarasho u  helaan  ardeyda Soomaaliyeed  ee ku  dhaqan  wanlaweyn iyo deegaanada  ku xeeran ee gobolka shabeelada hoose.

Dugsiga  Daa’uud  Buule  ayaa ka mid  ahaa  tiro dugsiyo  ah  kuwaa  oo hay,add maxali ah oo dhanka waxbarashada  ka shaqeysa  ay ka hirgalisay demada walaweyn  ee gobolka shabeelada hoose  kuwaa oo haatan waxbarashadoodu ay hakad ku jirto.

W/Q: Jaamac  cali  Shidane