U bood dhigaalka

Maamulka Gaalkacyo Oo Dhaliilay Guddiga Abaaraha Ee Galmudug

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa dhaliil u jeediyey guddiga gurmadka abaraha ee mamulka Galmudug.

Xirsi Yuusuf Barre, duqa magaalada Gaalkacyo oo warbaahinta kula hadlay magaaladaasi ayaa sheegay in guddiga Gurmadka abaaraha aysan si cadaalad ah u qeybin deeqda loogu talogalay in la gaarsiiyo dadka abaaraha saameeyay ee deegaannada Galmudug.

Wuxuu sheegay in aan loo qeybin sida loo kala daran yahay, ee ay ku qeybiyeen oo kaliya indho ka cabir, balse wuxuu tilmaamay in saamiga kusoo aaday Gaalkacyo aanay ahayn mid ay ku qanacsan yihiin.

“Annaga 9,350 doolar ayaan degmadaan la iigu soo dhiibay, si wanaagsan bay u fushay howsha, laakiinse degmada waxaa ku sugan dadkii kasoo barakacay guud ahaan deegaannada ku dhow Gaalkacyo oo ma kaafinin waxa loo keenay, sida guddiga wax u qeybiyeenna annaga kuma qanacsanin” ayuu yiri Duqa Gaalkacyo.

Ugu Dambeyn Mr. Barre ayaa sheegay in Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda uu ka jiro cudurka shuban biyoodka ah, isaga oo ugu baaqay maamulka Galmudug iyo dowladda Federaalka in gurmad dhan walbo leh lasoo gaaraan dadka ku nool Magaaladaasi.

Goobjoog News