U bood dhigaalka

Maamulka Gal-mudug Oo Sheegay In Dad Kasoo Laabtay Yemen Ay Gaareen Mudug

Sheeko:Dalka

Maamulka Gal-mudug State ayaa sheegay in dhawaan deegaanno ka mid ah gobalka Mudug ay gaareen qaar ka mid ah dadkii dhawaan kasoo cararay dagaallada ka soconaya wadanka Yemen.

Muxudiin Yuusuf Samatar oo ka mid ah maamulka magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in dadkaan ay ahaayeen kuwo aad u badan, islamarkaana kasoo baxay dhanka magaalada Boosaaso, kuwaasi oo dhibaato laga dareemayay.

Waxa uu tilmaamay in dadka doonaya in ay kasii gudbaan gobalka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo lasii diri doono, halkas kuwa kale ee doonaya in ay joogaanna loo sameyn doono dib u dejin.

“Hadda lama hayo tirakoob rasmi ah, dadka halkaan ku haraya aad uma badna, maalin walba Gaalkacyo waxaa yimaada dad ka mid ah dadkii kasoo cararay Yemen, dadka doonaya in halkaasi ay joogaan dib u dejin ayeeynu u sameyn donnaa, anaga ka Gal-mudug ahaan waan soo dhaweyneynaa, hoy ay habeenkii ku degaan ayaan u sameynay, intiibaxaysana waan u fududeynaa” ayuu yiri Muxudiin Yuusuf Samatar.

Dalka waxaa kusoo qulqulaya muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo kasoo cararay dagaallada ka soconaya dalka Yemen oo dhibaato badan sababay.

Goobjoog News