U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug iyo dowladda Itoobiya Oo Ka Shiray Wada Shaqeyn Dhex Marta Labada Dhinac

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Galmudug oo ku sugan Magaalada Adis Ababa ayaa halkaasi kula kulmay wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia, iyagoona kawada hadlay iskaashi ay yeeshaan labada dhinac.

Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethopia waxa uu kala hadlay arrimo dhowr ah oo labada dhinac quseeya. Sida wada shaqayn dhexmarta dawlada Galmudug iyo Dowladda Ethopia kaas oo la xiriira iskaashi dhaqaale iyo mid Amni.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethopia oo warbaahinta hadal siiyay kulanka kadib  ayaa sheegay in si dhow ay u wada shaqayn doonaan Ethopia iyo dawlada Galmudug, isla markaana ay muhiimad gaar ah u leedahay wada shaqaynta dawlad gobaleedka Galmudug.

Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa tilmaamay  inuu Aad ugu faraxsanyahay kulanka uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethopia, isagoo sheegay in ay Aad uga wada hadleen Xiriir wanaagsan oo Labada dhinac dhexmara ugu dambayntiina ay isla qaateen inay yeeshaan Iskaashi Dhanwalba leh.

Waa Markii ugu horraysay uu Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed uu Safar ku tago dalka Ethopia tan iyo Markii loo doortay Xilka Madaxweynanimo maamulkaasi.

Goobjoog News