U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug Oo Ciidamo Booliis Ah Geynaya Deegaannada Uu Ka Taliyo Maamulkaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ciidamo Booliis ah la geyn doono dhammaan deegaannada maamulkaasi uu ka arrimiyo si loo helo amni iyo kala dambeyn.

Cismaan Maxamed Cali oo ah wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta maamulka Galmudug ayaa u sheegay Goobjoog News in si loo helo dad wada heshiis ah ay muhiim tahay in la helo ciidamo Booliis ah.

Waxa uu sheegay wasiirka mar uu ka hadlayay dagaal beeleedyada dhaca in lagu xallin karo oo kaliya ciidamo Booliis ah oo la geeyo deegaan walba oo soo qabta cid walba oo dhibaato sameysa.

“Waxaa dhibaatada oo dhan xalkeeda uu yahay in la helo ciidamo tayo leh oo kahor tagi kara isku dhacyo dhaca, waxaa hubaal ah hadii Booliis la geeyo uu qaban doono cid walba oo dambi sameysa muhiimaddana ay tahay in amniga laga wada shaqeeyo” ayuu yiri wasiirka.

Galmudug ayaa qarameynaysay maalmihii ugu dambeeyay maleeshiyaad ku sugnaa deegaanno ka mid ah gobalada Mudug iyo Galgaduud.

Goobjoog News