U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug Oo Dalbaday Gargaar La Gaarsiiyo Barakacayaal Ku Sugan Mudug Iyo Galgaduud

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa walaac xooggan ka muujiyey xaaladda ay ku sugan dadkii dhawaan kasoo barakacay deegaannada Daacdheer iyo Kaxandhaale oo dhaca xuduudda gobalkaasi la leeyahay Itoobiya, kuna sugan deegaanno ka mid ah gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Aadan Jaamac oo maamulka Galmudug wakiil uga ah Qaxootiga iyo Barakacayaasha ayaa sheegay in dadkan ay u baahan yihiin gurmad Bini’aadannimo ee degdeg ah.

“Dadkan xaaladooda aad bay u adag tahay, waxay u baahan yihiin gurmad degdeg ah in lala soo gaaro, dadkani meello badan ayeey kasoo barakaceen, waxaa u badan dadkii kasoo barakacay Kaxandhaale iyo Daacdheer oo ay soo qaxiyeen ciidanka Itoobiya” ayuu yiri Aadan.

Sidoo kale mas’uulkaan ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya, hay’adaha samafalka iyo shacabka Soomaaliyeed in dadkan loo gurmado xilli abaaro ay dalkana ka jiraan.

Qoysas badan ayaa dhawaan kasoo barakacay deegannada gobolka Galgaduud ee ku dhaw xuduudda Itoobiya kadib markii ay sheegeen in ciidanka Liyuu Boolis ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya halkaasi ka billaabeen tacaddiyo ka dhan ah shacabka.

Goobjoog News