U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug Oo Dib u Heshiisiin Ka Dhex Billaabay Beelaha Deggan Mudug Iyo Galgaduud

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug State ayaa sheegay in dib u heshiisiin ay ka dhex billaabeen beelaha wada degan gobalada Mudug iyo Galgaduud, kuwaasi oo qaarkood wax kala tabanayaan.

Wasiirka dib u heshiisiinta maamulka Galmudug Cismaan Maxamed Socdaal oo o waramay Goobnjoog News, ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii ay uga shaqeyn lahaayeen nabadda iyo isku keenidda bulshada.

Waxa uu tilmaamay wasiirka in shacabka ku dhaqan Mudug iyo Galgduud dhammaantood ay yihiin dad walaalo ah, islamarkaana meesha laga saari doono wax walba oo la kala tirsanaya.

Dhinaca kale wasiirka dib u heshiisiinta Galmudug ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta dhaliilsan maamulkooda in miiska wada hadalka ay yimaadaan, so loo helo dad isku aragti ah.

“Anaga dib u heshiisiinta meel walba ayaan u galaynaa, waxaan ku dadaaleynaa inaan isku keenno cid walba oo dhaliil qabtay iyo midka wax laga tabanayo, shacabka oo dhan waa walaalo, waana in laga taliyaa sidii ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen” ayuu yiri Socdaal.

Waxaa jirta beello wada degan gobalada Mudug iyo Galgaduud oo wax kala tirsanaya, kuwaasi oo u baahan in la’isugu keeno miiska wada hadalka, si loo dhameeyo khilaaf walba oo jira.

Goobjoog News