U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug Oo Gacanta Ku Dhigay Rag Dil Ka Geystay Duleedka Dhuusamareeb

Sheeko:Amniga

Maamulka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu dhigay raggii ka dambeeyey dil  todobaadkii hore 4 qof loogu geystay duleedka Dhuusamareeb

Madaxa Xukuumadda ee dowlad goboleedka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo xariga ka hadlay ayaa sheegay in ciimada ammaanka ay gacanta ku dhigeen, isla markaana la soo taagi-doono maxkamad.

Sheekhda waxaa uu intaasi ku daray in falkan uu ahaa mid foolxun, isaga sidoo kale ka dhawaajiyey in sida ugu dhaqsaha badan loo soo taagi-doono maxkamad.

Ragga la dilay oo 4 ahaa waxaa ay ahaayeen dad ka ganacsada shinnida, waxaana lagu dilay duleedka Dhuusamareeb, dhammaan waxaa ay ka soo-jeedeen koonfur galbeed Soomaaliya.

Goobjoog News