U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug oo Heshiis Dhexedhigay Beelo Ku Dagaalamay Galgaduud

Sheeko:Amniga
Dowlad goboleedka Galmudug ayaa heshiis Xabadjoojin ah kala dhexdhigay Beelo walaalo ah oo in muddo ah ku dagaalamayay qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud, Beelahaan ayaa kasoo kala jeeda magaalooyinka Guriceel iyo Balanballe, heshiiskaan  ayaa waxaa garwadeen ka ahaa wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha  federalka iyo Federaalka iyo Dib-U-heshiisiinta Galmudug Mudane Cabdi Maxamed Jaamaca(Cabdi Waayeel).
Heshiiska Beelahaan oo ahaa mid hordhac ah ayaa waxaa lagu go’aamiyay in labada dhinac ay nabad ay ku wada noolaadaan,  Wasiir Cabdi waayeel oo Khuudbad dheer ka jeediyay madasha shirka ayaa ugu baaqay Odayasha si bulshadu nabad ugu wada noolaato, isaga oo xusay in dhaqan galkeeda maamulka uu ka qeybqaadan doono.
Odayaasha Dhaqanka labada beelood oo goobta kahadlay ayaa xusay dhankooda ay diyaar u yihiin soo afjaridda colaadda muddada dheer u dhaxeysay labadaan Beelood, iyadoo la xasuusto in dagaallo culus oo dhex maray uu sababay khasaare baahsan oo soo kala gaaray dhinacyada, iyaga oo inta badan isku qabta dhuldaaqsimeedka.
Wasaaradda arrimaha gudaha federalka iyo dib-u heshiisiinta Galmudug ayaa dhowr jeer ku guuleysatay in lasoo gabagabeeyo colaado u dhaxeeyay beelo dega deegaannada Galmudug, waxaana heshiiska beelahaan uu kusoo aadayaa xilli dalka intiisa badan ay ka jirto abaar baahsan oo dadka iyo duunyada intaba saameysay.
Goobjoog News