U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug oo Ka Hadlay Dagaal Ka Dhacay Galgaduud

Sheeko:Amniga

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa ka warbixiyay dagaal saakay xoogag ka tirsan Al-shabaab iyo ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka ku dhexmaray magaalada Baxdo ee Bariga  gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaaalka ayaa waxaa uu yimmid kadib markii Shabaabku weerar kusoo qaadeen magalada, waxaana halkaas ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada iskaashanaya iyo Al-shabaab, waxaa jira khasaare soo kale gaaray dhinacyada.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalkii ka dhacay Baxdo lagu jabiyay Shabaabkii soo weeraray, waxaana uu sheegay in ay dileen 60 kamid ah sida uu hadalka u dhigay wasiir Falagle.

Wasiirka ayaa waxaa uu mahadceliyay ciidanka Daraawiishta iyo dadka deegaanka oo qeyb ku lahaa dagaalka, waxaana uu xusay in Al-shabaab weerar gaadmo ah ay soo qaadeen oo lagu jabiyay dagaalkii ka dhacay magaalada Baxdo ee Galgaduud.

Al-shabaab ayaa muddooyinkii dambe dhaqdhaqaaqyo kawaday deegaanno kamid ah gobolka Galgaduud, waxaana dhowr jeer Baxdo ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidanka Galmuudug, dadka deegaanka oo isku dhinac ah iyo xoogga Al-shabaab.

Goobjoog News