Maamulka Galmudug Oo Ka Warbixiyey Qorshe Lagu Dhisayo Dekadda Hobyo Ee Gobolka Mudug

Wasiirka Dekadaha iyo gaadiidka Badda dowlad goboleedka Galmudug Burhaan Warsame Cigaal ayaa ka hadlay qorshe ay ku doonayaan dhismaha dekadda Hobyo ee gobolka Mudug.

Waxa uu sheegay wasiirka in dhismaha dekaddaasi ay muhiim u tahay dhaqaalaha Galmudug, ayna heshiis la galeen shirkado caalami ah oo fulinaya dhismaha dekadda, isaga oo hoosta ka xariiqay in dhawaan la billaabi doono arrimahaasi.

“Wasaardeedu waxay ka mid tahay wasaaradaha muhiimka ah ee kaabayaasha dhaqaalaha ee daqliga soo saara, wasaaradda waa mid shaqadeedu sidaasi u culustahay, wixii ka horeeyay maamulkaan Galmudug cusub wax shaqeynayey oo dekad ah ma jiraan ama la sameeyay, wasaaradaan markii la sameeyay waxaan isku daynay inaan sameyno qorshe lagu furayo dekadaha macmalka ahaa ee Galmudug lahayd, iyo sidii loo raadin lahaa qorshaha maalgalinta oo mid dhaw iyo mid dheer ah, Labadoodana meel wanaagsan ayeey hadda marayaan” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in hadda caqabadaha jira ay tahay burburka waddooyinka oo uu sheegay in gaadiidka wax ka daabuli lahaa dekadda Hobyo ay dhibaato ku tahay.

“Illaa hadda waxaan wadnaa soo dhaweynta ganacsatada qaab canshuur dhaaf ah baa jira, waxaa hadda jira xagga marinka oo dhib badan, malahan jidad laami ah dekadda laakiinse hadda waxaan wadnaa qorshaha lagu dhisayo waddooyin rasmi ah oo dekadda Hobyo marin u noqon doona” ayuu hadalkiisa raaciyey Wasiir Burhaan.

Maamulka Galmudug ayaa ku dadaalaya in dib u habeyn iyo dhismo ballaaran lagu sameeyo dekadda Hobyo oo hadda qaab macmal ah u shaqeysa.

Goobjoog News

Related Articles

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW