U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug oo ku daba jira ruux haweeney ku dilay Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Mudug ee dhanka Galmudug ayaa sheegay in ay baaritaan adag ku hayaan rag hubeysan oo haweeney ku dilay bartamaha magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Mudug Aweys Cali Siciid oo la hadlay Goobjoog FM ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ee maamulka Galmudug ay gacanta ku soo dhigeen ragan hubeysan oo dilka ka fuliyay magaalada Gaalkacyo kuwaasi oo uu shaaciyay in baaritaan adag lagu hayo.

Waxa uu xusay in isbedal xaga amniga ah laga dareemayo magaalada Gaalkacyo tan iyo markii howl galka joogtada ah ay magaalada ka bilaabeen ciidamada amniga gobolka Mudug oo ah ciidamo isku dhaf ah oo loo sameeyey ammaanka gobolkaasi.

Falalka dilka ah ee inta badan ka dhaca gobolka Mudug ayaa salka ku haya aanooyin qabiil.

Hoos ka dhageyso codka Aweys Cali Siciid: