U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug oo Ku Dhawaaqay Howlgallo

Sheeko:Amniga

Wasiirka amniga maamulka Galmudug Axmed Macallin Fiqi oo ku sugan deegaanno ka tirsan gobolka Mudug ee aagga deegaanka Bacaad-weyne ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka iyo Galmudug la geliyey heegan buuxa.

Wasiirka ayaa xusay in abaabul ay wadeen kaasoo ku aaddan in la qaado hawlgallo ay ku gaarayaan deegaannada ka maqan gacanta Galmudug islamarkaana abaabulkaas uu soo dhammaaday, hadda wixii ka dambeeyana ay billaabayaan hawlgallo ballaaran.

Wasiir Fiqi ayaa hadalkaan sheegay xilli uu ku sugnaa difaaca ay kaga jiraan ciidamada xoogga dalka qeybta 21-aad ee Bacaad-weyne iyo Cimaamad oo dhowr jeer ay ku dagaallameen ciidamada Galmudug, xoogga dalka oo is garabsanaya  iyo Al-shabab.

Hadalka kasoo baxay wasiirka amniga maamulka Galmudug ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo dhawaan qarax ka dhacay Gaalkacyo lagu dilay saraakiil ciidan, waxaana waqtigaas ay ku dhawaaqeen hawlgallo ka dhan ah Al-shabab, oo laga sameeyo deegaannada ay ka joogaan Galmudug.

Goobjoog News