U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug Oo Loogu Baaqay Xallinta Xiisadda Cadaado

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Ximan iyo Xeeb Cabdiraxmaan Sheekh Cabdullaahi ayaa ka dalbaday maamulka Galmudug in degdeg ay ku xalliyaan xiisadda ka jirta degmada Cadaado.

Mas’uulkan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay inay aad uga xunyihiin in xilligaan lagu dagaallamo Cadaado, waxaana uu sheegay in Galmudug waajib uu ka saaran yahay xallinta dagaalkaasi.

“Xabad xal ma ahan Maamulka Galmudug waa inay gacanta ku qabtaan waxa hadda jira, waa in lagu baxo cid walbo oo dagaallameysa, ogaada dadka is dilaaya waa walaalo, dhibaato walbo oo dhalata waa mid saameyn ku yeelanaysa shacabka Galmudug” ayuu yiri Cabdiraxmaan Sheekh.

Sidoo kale C/raxmaan ayaa sheegay in xiisadda ka jirta degmada Cadaado hadii ay sii socoto in saameyn ballaaran ku yeelan doonto amniga, bilicda, iyo shaqada garoonka degmada Cadaado.

Dagaal u dhaxeeyay Maleeshiyaad hubeysan iyo ciidanka Galmudug ayaa shalay ka dhacay Koontaroolka garoonka degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Goobjoog News