U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug oo mar kale dalbaday in la mideeyo Galgaduud iyo Mudug (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa mar kale ku celiyay in laga shaqeeyo mideynta gobolada Mudug iyo Galgaduud intii laga shaqeyn lahaa kala goyntooda.

Maxamuud Cawaale oo ah guddoomiyaha degmada Hobyo ayaa sheegay in bulshada Mudug aysan marnaba aqbali doonin heshiiskii xukuumadda Federaalka iyo maamulka Puntland ku dhexmaray magaalada Garoowe.

Waxa uu sheegay in madaxda dalka uu ugu baaqayo in la mideeyo gobolada Mudug iyo Galgaduud oo si waafaqsan sharciga loogu hogaansamo dastuurka dalka u degsan si loo xaqiijiyo Federaalka.

Waxa uu tilmaamay in hogaamiyaha Puntland uu ku doodi karo in dadkiisu ay degaan qeyb ka mid ah Mudug balse aysan suurta gal ahayn in laga qeybiyo dadka shacabka ah oo uu ku sifeeyay in ay maanta yihiin kuwa is dhalay.

Maamullada ka arrimiya gobolada dhexe eek ala ah Galmudug, Ximan & Xeeb iyo Ahlu sunnah waljamaaca ayaa si wada jirb ah uga hor yimid heshiiska iyaga oo ku tilmaamay in uu ka soo hor jeedo dastuurka dalka u yaallo.

Hoos ka dhageyso codka Maxamuud Cawaale: