U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug Oo Nabadda Ugu Baaqay Beelaha Ku Dagaallamaya Baladweyen Iyo Marka

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa ugu baaqay beelaha ku dagaalaya gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Hoose in ay wada hadal ku dhameeyaan khilaafaadka dhex yaalla.

Wasiir ku xigeenka wasaarada Dastuur iyo Dib u Heshiinta maamulka Galmudug Maxamed Xayir Nuur oo la hadlay Barnaamijka Maxaa Lagu Heshiiyay ee Goobjoog News ayaa sheegay in Dagaal aanu lahayn faa’ido, dhibaato mooyee.

Waxa uu sheegay wasiir ku xigeenka in 25-kii sano ee lasoo dhaafay Soomaaliya ay caalamka uga hartay dagaal beeleedyada iska soo laab laabtay, haatanna loo baahan yahay in la fahmo dhibta dagaalka sokeeye.

Wasiir Nuur ayaa ku adkeeyay dhinacyada ku dagaallamaya gobalada Hiiraan iyo Shabellaha Hoose, gaar ahaan magaalooyinka Marka iyo Baladweyne inay si shuruud la’aan ah dagaallada ku joojiyaan islamarkaana nabadda qaataan.

“Dagaal waxa uu galo waan soo aragnay, ma wanaagsana in shacabka Soomaaliyeed ay sii dagaallaan, waxaan ku baaqaynaa aniga oo ku hadlaya afka Galmudug State in nabadda laga shaqeeyo, lana joojiyo dagaallada Baladweyne iyo Marka” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay wasiir ku xigeenka Arrimaha Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Galmudug State.

Dagaal u dhaxeeya Beello walaalo ah ayaa siyaabo kala gooni ah uga socda magaalooyinka Baladweyne iyo Marka oo ka kala tirsan goballada Shabellaha Hoose iyo Hiiraan.

Goobjoog News