U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug Oo Rajo Ka Muujiyay Mira Dhalka Wada Hadalka Ay Kula Jiraan Ahlu-sunna

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug State ayaa sheegay in ay meel wanaaagsan marayaan arimahihii wada hadallada ee kala dhaxeeyay Ahlu-sunna Waljameeca.

Wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta maamulka Galmudug Cismaan Maxamed Cali oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in meel wanaagsan ay marayaan arrimihii Dib u heshiisiinta maamulka oo aay ku jirto tan Ahlu-sunna Waljameeca.

Wasiirku wuxuu sheegay in Galmudug ay ka go’an tahay inay wada hadal la gasho cid walba oo wax ka tabanaysa maamulkaasi.

“Galmudug waxay diyaar u tahay in ay miiska wada hadalka la fariisato cid walba oo wax ka tabaneyso, meello badan baa wax laga qabtay kuwo kalena waa ay dhimman yihiin, ahlu-sunna xitaa waxaa inoo socda wada hadal taasina dadaalkeeda baan wadnaa” ayuu yiri wasiirka

Wada hadallada Ahlu Sunna iyo Galmudug ayaa lagu xalinayaa waxa dhaliyay muranka ka taagan gobalka Galgaduud ee sababay dhismihii Galmudug in laga barbar dhiso maamul kale oo Dhuusamareeb xaruntiisu tahay.

Inkastoo Galmudug ay sheegayso in wada hadal ay kula jirto Ahlu-sunna ayaa hadane dhanka kale saraakiil u hadashay Ahlu-sunna waxay dafireen jiritaanka wada hadalladaasi.

Goobjoog News