U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug Oo Sheegay In Dhawaan Ay Billaabayaan Dhismaha Wadooyin Iyo Iskuullo

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in dhawaan deegaanada maamulkaasi ka arrimiyo ay ka billaabi doonaan dib u dhiska wadooyin waaweyn, iskuullo iyo dekadda magaalada Hobyo.

Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay in maamulkooda mudadii uu shaqeynayay soo qabtay shaqooyin badan, islamarkaana ay haatan hiigsanayaan qorsheyaal kale.

“Maamulka Galmudug inta uu jiray waxa uu qabtay shaqo badan, sidoo kalena aan qaban doonno shaqooyin badan, mudada hiigsigana aan horumar ku gaareyno, waxaan furi donnaa sanduuq dhaqaale, in aan sameyno wadooyin, xarumo caafimaad, iskuullo, garoomada iyo dib u dhiska dekadda Hobyo ayaa qorshaha inoogu jirta” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Dhinaca kale Maxamed Xaashi ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobalada Mudug iyo Galgaduud, inay la shaqeeyaan ciidamada ammniga, si loo helo xasilooni iyo is faham dhanka nabadda ah.

Goobjoog News