U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug Oo Sheegay In Si Buuxda u Fulin Doonaan Heshiiskii Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in si buuxda ay u fulin doonaan qodobadii shalay lagu heshiiyay ee ah nabadeynta Gaalkacyo.

Madaxweynaha maamulkaasi C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay fulinta Afarta Qodob ee lagu heshiiyay, isaga oo ballan ku qaaday in 100% heshiiskaasi fuliyaan.

“Aniga oo ku hadlaya magaca dowald gobaleedka Galmudug, wakiilna ka ah shacabkayga waxaan ballan qaadayaa in heshiiskaan aan fulinno 100%, kana shaqeynno nabadda iyo xasiloonida” ayuu yiri Guuleed.

Dhinaca kale madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in loo baahan yahay in la helo nabad waarta la xaqiijiyo inaanu mar kale soo laaban dagaalladii Gaalkacyo.

Dadaal dheer oo ay sameysay dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaa shaneysa beesha caalamka, iyo maamul gobaleedyada Jubbaland iyo Koon fur Galbeed waxay ku guuleysatay inay xalliso dagaalladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Goobjoog News