U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug Oo Sheegay In Wada Hadal Ay Ku Dhameen Doonaan Khilaafyada Ka Jira Galgaduud

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay wada hadal ku dhameyn doonaan khilaaf walba oo ka jira gobalka Galgaduud, islamarkaana ay ku dadaalayaan nabadda iyo wada hadalka.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta ee maamulkaasi Daahir Faarax Fiidow ayaa u sheegay Goobjoog News, in ay diyaar u yihiin wax walba oo lagu xalinayo tabashada jirta.

“Galmudug waxay diyaar u tahay in cid walba ay soo dhaweyso, laguna wada hadlo miiska, ciddii wax tabanaysana lala shiro si xal loo helo” ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

Sidoo kale wasiir ku xigeenka Warfaafinta Galmudug ayaa sheegay in aysan aqoonsaneen maamul Ahlu-sunna ah, islamarkaana ka dhisan deegaanada gobalka Galgaduud, isaga oo cadeeyay in Ahlu-sunna ay ku biirtay Galmudug.

Galmudug ayaa horay degmada Cadaado heshiis kula gashay madaxda Ahlu-sunna Waljameeca, hase ahaatee waxaa jira garab kale oo ka mid ah Ahlu-sunna oo heshiiskaasi kahor yimid.

Goobjoog News