U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug Oo Sheegay Inay Ku Guuleysteen Xallinta Beello Dagaalsanaa

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug State oo dhisan muddo Lix bil ah ayaa ka warbixiyay waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee maamulkaasi uu qabtay mudadii uu dhisnaa.

Maxamed Xaashi Cabdi oo ah madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi ayaa ka hadlay mudadii maamulkoodu jiray waxa ay qabteen, waxaana uu sheegay in ay dib u heshiisiin dhex dhigeen beello walaalo ah oo dagaallamay, maamullo ay u sameeyeen deegaanno ka mid ah Mudug iyo Galgaduud iyo arrimo kale.

“Galmudug waxay jirtaa muddo Lix bil ah, mudadaasi aynu jirnay waxaan qabanay waxyaabo badan oo lasoo koobi karin, waxyaabaha inoo qabsoomay waxaa ka mid ah sida aan uga shaqeynnay arrimaha dib u heshiisiinta, beello dagaallamay ayeeynu heshiisiinay, arrimaha maamul u sameynta deegaannada, wax yaabaha aan qabannay waxaa ka mid ah dib u dhiska ciidanka Galmudug oo aan qornay ciidamo badan, waxaa ka mid ah xoreynta deegaanno badan oo Al-shabaab gacanta ugu jiray oo aan xureynay innaga oo aan kaalmo ka helin dowladda dhexe iyo beesha caalamka, waxaa la dhihi karaa waxyaabahaasi oo dhan waxay ka mid yihiin waxyaabihii u qabsoomay Galmudug” ayuu yiri Maxamed Xaashi.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa dhinaca kale sheegay in sanadkaan 2016-ka u qorsheysan tahay arrimo ay ka mid yihiin maamullo ay u sameeyaan deegaannada kale ee Galmudug kuwaasi oo weli maamul loo sameyn, dib u heshiisiinta oo ay sii wadi doonaan iyo arrimo kale.

Goobjoog News