U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug Oo Sheegay Inay Qabteen Dooni Ay La Socdeen Rag Ka Tirsan Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen dooni ay la socdeen rag ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab, kadib howlgallo ay sameeyeen ciidanka maamulkaasi.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Galmudug Maxamuud Aadan Cismaan oo maanta saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ciidamada Galmudug ay howlgallo ka sameeyeen deegaanno ka mid ah Mudug, gaar ahaan deegaannada kala ah Galhagoog, Dinooda, Af-barwaaqo iyo Towfiiq waxaana uu hoosta ka xariiqay in dhawaan ay soo gabagabeyn doonaan dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Waxa uu sheegay Wasiirka in sidoo kale ay jiraan dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo AJaaniib ah islamarkaana ku dhuumaleysanaya deegaanno ka mid ah gobolka Mudug waa sida uu hadalka u dhigaye.

Doonidan ay qabteen ayuu sheegay in ay saarnaayeen 4 qof oo mid naaquude uu ku sheegay Seddaxda kalena yihiin Al-shabaab kuwaa oo uu tilmaamay inay doonayeen in Al-shabaabka ku sugan Mudug ay halkaasi ka kaxeeyaan.

“Ragga doonidan saarnaa waxay wateen taleefanka Toreyaha ah, waxay doonayeen in firxadkooda ka badbaadiyaan halkaasi, laakiinse ciidamada soo ma jeestayaasha Galmudug ayaa gacanta ku dhigay” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Galmudug.

Galmudug ayaa saxaafadda usoo bandhigtay dagaalyahanno badan oo ka tirsan Al-shabaab kuwaa oo lagu qabtay dagaallo ka dhacay gobolka Mudug una dhaxeeyay Al-shabaab iyo Galmudug.

Goobjoog News